Raadraac - Cali M Cabdigiir (Caliganay) - Books - Createspace Independent Publishing Platf - 9781546751564 - May 16, 2017
In case cover and title do not match, the title is correct

Raadraac

Cali M Cabdigiir (Caliganay)

Price
Fr. 29.99
excl. VAT

Ordered from remote warehouse

Expected delivery Sep 8 - 19
Add to your iMusic wish list

Raadraac

"Intii qar jirey quruurux isna waa jirey," amaba haddii si kale loo yiraahdo, intii kookan dad ku noolaa, Soomaali iyana waa ku noolayd. Sooyaalka uu hadda hayo, dadku waxa uu ugu horreyn ka daqaqamay Afrikada Bari, gaar ahaan Itoobiya. Haddaba, Raadraac waxa uu culayska saarayaa sooyaalka xeebaha Soomaaliya-oo waxa hor looga yiri iyo dhabtu ay aad u kala durugsan yihiin. Dadka dalka Uustaraaliya loogu tegey oo 50,000 dabshid (nur) [The Atlas of Human Migration by Russel King, p20] in ay halkaas tageen la soo dambeysiinayo xaggee ka tageen? Soomaaliya ma tahay? Ciddii u horreysay oo qalab badda lagu goosho samaysa Soomaali ma tahay? Sooyaalka guud ee aadanaha baa arrintaas wax ka qiraya. Degmada Xaafuun oo weli birriga ku xiran gaar bay u caasiyoobi doontaa, ee waa goorma? Si tuhunkaas wax looga ogaado, Raadraac waxa uu doomaysi ka bilaabayaa magaalada Jabuuti ee isgoyska badda Cas iyo Gacanka Cadmeed-halka uu geeddiga ku furayo tuulada Kaambooni ee soohdinta Soomaaliya iyo Keenya. Tuulo ama magaalo kasta oo xeebaha taal, iyo jasiirado badan oo Soomaali badan aysan laba socon in ay dalka Soomaaliya ka mid yihiin, mid-mid baa looga hadlayaa. Arrimo cusub oo amakaag iyo dhiirrigelin intaba kugu dhalin doona baa dhiganuhu kuu soo bandhigayaa. Haddana, Raadraac waxa uu doonayaa in halkaas laga sii ambaqaado, oo sooyaalka Soomaalida aan dib dambe aan cid kale marti loogu noqon.

Media Books     Paperback Book   (Book with soft cover and glued back)
Released May 16, 2017
ISBN13 9781546751564
Publishers Createspace Independent Publishing Platf
Pages 174
Dimensions 152 × 229 × 11 mm   ·   331 g
Language Somali  

Show all

More by Cali M Cabdigiir (Caliganay)